Mareykanka Oo Diblomaasiyiintiisa Uga Digay inay khamaar iyo Sharad ku Dhigtaan Wadahadka Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa diblomaasiyiintiisa uga digay inay khamaar iyo sharad online -ka ah ee lacagaha laga sameeyo dhigtaan wada-hadallada u socda Mareykanka iyo Iiraan.

Digniintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar kamid ah diblomaasiyiinta iyo xubno ka tirsan militariga ay xog gudaha ah u adeegsadeen faa’iido dhaqaale, waxaana kamid ahaa kiis la xiriiray xog sir ah iyo sharadyo lagu galay dhacdooyin siyaasadeed oo ka dhacay dalka Venezuela.

Nidaamka Mareykanka ee Trump uu hoggaamiyo ayaa hadda ku dhisan hab fikir in tallaabo kasta dhaqaale laga sameeyo, taasoo hadda u daadegtay xubnaha hoose oo ka faa’iideysanaya warbixinnada sirta ah , ka dibna sharad ku dhiganaya sida ay wax ku dhammaanayaan iyo go’aamada uu Mareykanka qaadanayo, markaana ka sameynaya dhaqaale badan.

Screenshot