Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan Oo War kasoo Saaray Weerar Caawa Lagu soo Qaaday

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa warsaxaafadeed waxyar ka hor ka soo baxay ayaa xaqiijiyey inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarreen maraakiibta dagaalka Mareykanka, ka dib markii Mareykanka uu dhowr weerar caawa ka fuliyay gudaha Iiraan.

Warsaxaafadeed waxaa lagu yiri;

“Kadib markii la jebiyay xabbad-joojintii, islamarkaana ciidanka Mareykanka ay weerareen markab shidaal oo ay leedahay Iiraan, meel u dhow dekedda Jask,
iyo iyadoo burburiyeyaasha dagaalka ee Mareykanka ay kusoo dhowaadeen marin-biyoodka Hormuz,

waxaa la fuliyay howlgal wadajir ah oo aad u ballaaran oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo loo adeegsaday noocyo kala duwan oo gantaallo ballistic ah, gantaallo lidka maraakiibta ah, iyo diyaarado ismiidaamin ah .”

Waxay sidoo kale sheegeen: “Waxaa la beegsaday burburiyeyaasha cadowga iyadoo lagu dhuftay madaxyo qarxa oo awood weyn leh.Xogaha sirdoonka iyo kormeerka dagaalka ayaa muujinaya in ciidamada Mareykanka ay gaareen khasaare culus,halka saddex markab oo cadow ah ay si degdeg ah uga baxsadeen deegaanka marin-biyoodka Hormuz.”