Hoggaamiyaha sare ee Iran Oo la Kulmay Taliyaha Ciidanka Milatariga kuna Amray Diyaar-garaw Dagaal,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa la kulmay taliye sare oo milatari, sida ay baahisay wakaaladda wararka Fars, iyadoo kulankaasi lagu sheegay mid looga hadlay diyaar-garowga dagaal ee ciidamada Iran.

Wararku waxay sheegayaan in Khamenei uu kulan la yeeshay Taliyaha Xarunta Ciidamada Iran Janaraal Ali Abdollahi, kaasoo warbixin ka siiyay heerka u diyaarsanaanta ciidamada dalka.

Majirin sawirro ama muuqaallo laga sii daayay kulanka, waxaana warbaahinta Iran aysan wali baahin muuqaal cusub oo Khamenei ah tan iyo markii loo caleemo saaray hoggaanka dalka bishii March, kadib dilkii aabihii Ayatollah Ali Khamenei oo lagu eedeeyay weerarro Mareykan iyo Israa’iil ay fuliyeen.

Janaraal Abdollahi ayaa sheegay in ciidamada Iran ay ku jiraan heegan sare, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si degdeg ah oo xooggan uga jawaabaan weerar kasta oo uga yimaada cadawga Mareykanka iyo Sahyuuniyadda.

Dhankiisa, Khamenei ayaa sheegay in Iran ay fashilisay qorshayaashii cadawgeeda, isagoo bixiyay amarro cusub oo lagu xoojinayo la dagaallanka cadowga.

Sidoo kale, warbixin ay CNN baahisay ayaa sheegtay in sirdoonka Mareykanka uu aaminsan yahay in Mojtaba Khamenei uu door weyn ku leeyahay hagidda istaraatiijiyadda dagaalka iyo wada-hadallada Iran ay la leedahay Mareykanka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda.