Faahfaahinta Jawaabta Iran ay U Gudbisay Maraykanka Iyo Trump Oo Diiday Jawaabtaasi..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Faahfaahintii u horreysay ayaa laga helay jawaabta ay Iiraan ka bixisay soo jeedinta uu soo bandhigay Mareykanka , si loo soo afjaro dagaalka Iiraan, iyadoo wali ay halkeedii ku adkaysanayso Iiraan.

Sida ay baahisay Al Jazeera , waxay Iiraan gudbisay ;

• In wadahadal kasta uu xaqiijiyo si buuxda oo dhammeystiran cunqabateynta in looga qaado Iiraan.

• Iiraan waxay doonaysaa wadahadallada barnaamijkeeda nukliyeerka iyo marin-biyoodka Hormuz inay u baahanyihiin wada-xaajood aan hal mar dhacayn.

• Heshiis kasta waa inuu xaqiijiyo dagaalka si dhammeystiran in loo soo afjaro oo ay ku jirto weerarrada ka dhacaya Lubnaan.

•In la helo dammaanad caalami ah oo cad oo lagu xaqiijinayo fulinta heshiis kasta oo lala gaaro Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si cad u diiday jawaabta Iran ay u gudbisay Maraykanka, isagoo ku eedeeyay Iran inay “Maraykanka iyo dunida marin-habaabineysay” muddo 47 sano ah.

“Jawaab celinta Iran maaha wax suurtagal ah oo aan aqbali karo..” Trump ayaa hadalkan kusoo qoray bartiisa Truth Socia.