Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu baxay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Booqashada Madaxwayne Trump ayaa qaadan doonta muddada u dhexeysa 13-ka illaa 15-ka May 2026 waxaana wafdigiisa ku wehelinaya qaar kamid ah madaxda ugu awoodda badan shirkadaha caalamiga ah.
Safarkan oo noqonaya booqashadii ugu horreysay ee Trump ku tago Shiinaha tan iyo 2017 ayaa waxaa ku wehelinaya wafdi ballaadhan oo ka kooban madaxda shirkadaha ugu waaweyn Mareykanka, kuwaas oo ay kamid yihiin Elon Musk oo ah madaxa Tesla iyo SpaceX, Tim Cook ee Apple, Larry Fink oo ah madaxa BlackRock, David Solomon oo ka socda Goldman Sachs iyo madax kale oo ka socda Meta, Boeing, Mastercard, Qualcomm iyo Citigroup
Kulanka Trump iyo Xi Jinping ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka ganacsi iyo dhaqaalaha labada dal, heshiisyo maalgashi, tartanka tiknoolajiyadda iyo AI-da, arrimaha Taiwan, amniga Asia-Pacific, xiisadaha Bariga Dhexe, dagaalka Iran iyo fududeynta ganacsiga shirkadaha Mareykanka.




