Türkiye Oo si Adag u Beeniyay In Ciidamada ka Jooga Somaliya Qayb ka Yihiin Arrimaha Siyaasada iyo Doorashada

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Türkiye ayaa si adag u beenisay eedeymo ay ku tilmaantay kuwa aan wax sal iyo raad ah lahayn oo ku saabsan in ciidamada iyo saraakiisha ka joogta Somaliya ay ku lug-leeyihiin arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Somaliya.

Turkiga ayaa difaacay joogitaanka ciidamadiisa Somalia, iyagoo sheegtay in ciidamada halkaasi ku sugan aysan gabi ahaanba wax lug ah ku lahayn arrimaha siyaasadda Somaliya.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Qatar, Sheikh Mohammed, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada Israel ay ka waddo Gaza iyo Lubnaan, isagoo ku tilmaamay xaalad sii hurinaysa xiisadda gobolka.

Sheikh Mohammed ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu noqday saaxiib iyo xulafo muhiim ah oo door weyn ku leh arrimaha gobolka, gaar ahaan dadaallada siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ee socda.

Wuxuu intaas ku daray in Doha iyo Ankara ay taageerayaan dadaallada dhexdhexaadinta ee Pakistan ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israel iyo Iran.