Iiraan Oo Sheegay In Kuwait Ay Weerartay Doon Iran Leedahay Afduubatay-na Shaqaalihii la Socday

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa sheegay in Kuwait ay weerartay Doon ay Iiraan leedahay islamarkaana ay xirtay 4 muwaadin oo Iiraan u dhashay, isagoo dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay xaq u leedahay inay ka jawaabto. Waxaa kaloo uu sheegay in dadka la qabtay lagu xiray meel u dhow jasiirad uu Mareykanka u adeegsado weerarrada ka dhanka ah Iiraan.

Dhinaca kale Shirkadaha Mareykanka ee soo saara qalabka tamarta qorraxda ayaa dacwad u gudbiyay Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka, iyagoo ku eedeeyay Itoobiya inay noqotay marin uu Shiinaha soo marsiiyo qalabka warshadaha tamarta qorraxda.

Shirkadahani waxay sheegayaan in alaabo laga sameeyo Shiinaha lagu farsameeyo Itoobiya, kadibna loogu dhoofiyo Mareykanka iyadoo loo muujinayo inay tahay wax soo saar Itoobiyaan ah, si looga baxsado canshuuraha iyo cunaqabateynta saaran alaabaha Shiinaha, sida ay werisay Addis Standard oo xuganaysa wakaaladda wararka ee Reuters