Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee New York Times, ayaa baahiyay maqaal lagu sheegay askarta ilaalada xabsiyada iyo xubno ka tirsan saraakiisha sirdoonka Israa’iil inay xad-gudub kufsi ah kula kacaan maxaabiista ragga iyo dumarka Falastiiniyiinta ah ee ku jira xabsiyada Israa’iil.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Ehud Olmert ayaa suragalnimada arrintan qiray, waxuuna yiri ; “Ma aaminsanahay inay dhacaan? Haa, si dhab ah ayaan u aaminsanahay.”
Muqaalkan ayaa markii uu soo baxay nidaamka Netanyahu ayaa ku dhawaaqay inay dacwad ka gudbinayaan weriyaha maqaalka qoray Nicholas Kristof iyo wargeyska New York Times, waxayna ku sheegeen xog aan haysan caddeymo ku filan oo been abuur ah,balse wargeyska New York Times ayaa difaacay oo ku sheegay xog si qoto-dheer loo baaray
