Heemaal News Network

Calaamadaha Sonkorowga Nooca 1 iyo Nooca 2 Iyo Sida Looga Hor-tago

Ma ka shakisan tahay in aad qabto sonkorow? Hubi calaamadaha iyo sida loo xaqiijiyo xanuunka. Calaamadaha waa tilmaamayaal muujinaya in sonkorta dhiiggaagu uu aad u sarreeyo. Marka aad qabto sonkorowga,…

Ma ka shakisan tahay in aad qabto sonkorow? Hubi calaamadaha iyo sida loo xaqiijiyo xanuunka.

Calaamadaha waa tilmaamayaal muujinaya in sonkorta dhiiggaagu uu aad u sarreeyo.

Marka aad qabto sonkorowga, sonkorta dhiiggaaga waxay noqotaa mid aad u sarreysa sababtoo ah jirkaaga waxa ka maqan insuliin, oo ma awoodi karo inuu sonkorta u beddelo tamar. Sidaas darteed, calaamadaha sonkorowga waxay dhab ahaantii yihiin calaamadaha sonkorta dhiigga oo sarreeya.

Calaamadahan waxay noqon karaan kuwo xooggan ama aan si cad u muuqan, iyadoo ku xiran heerka sonkorta dhiigga iyo nooca sonkorowga aad qabto. Sonkorowga nooca 1 ayaa badanaa ku yimaada si degdeg ah, laakiin sonkorowga nooca 2 waxa laga yaabaa inuu noqdo mid adag in la ogaado.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in lagu ogaado xanuunka si dhakhso ah si looga fogaado sunta asidiga iyo dhibaatooyinka halista ah ee mustaqbalka.

 Calaamadaha Caadiga ah ee Sonkorowga

Calaamadaha degdegga ah:

Calaamadahani waxay soo baxaan mudo toddobaadyo ama bilo ah ah, waxayna inta badan ku caanka yihiin sonkorowga nooca 1.

  • Waxaad kaadi badan sameysaa marka loo eego caadiga. Tani waa sababta oo ah jirkaaga waxa uu isku dayayaa inuu ka baxsado sonkorta dheeraadka ah isagoo kaadinaya.
  • Waxaa isku arkaysaa baahi badan oo aad qabto cabtaanka, marka loo eego caadiga. Sababtoo ah waxaad kaadshaysaa kaadi badan, jirkaagu wuu engegayaa oo waxaad u baahan tahay inaad cabto si aad uga hortagto qallaylka.
  • Waxaad isku arkaysaa daal, caajis, iyo gaajo badan. Unugyadaada ma helaan nafaqo ka timaada sonkorta dhiigga, taasoo keenta in murqaha iyo xubnaha kale ee jirka ay lumiyaan tamarta.
    • Waxaad luminaysaa miisaanka, sababta oo ah unugyadaada ma qaataan nafaqooyinka ka yimid cuntada.

Calaamadaha muddada dheer:

Calaamadahani waxay si gaar ah ula xiriiraan sonkorowga nooca 2aad, waxaan sobob u ah gulukoosta oo hoos u dhacday. Calaamaduhu si tartiib ah ayey u soo baxaan, dad badanna waxay ku noolaan karaan sanado badan iyaga oo aan ogeyn in ay xanuunsan yihiin.

  • Waxaad si joogto ah u dareemaysaa daal, tabar-darro iyo caajis. Tani waa calaamadda ugu badan ee sonkorowga nooca 2aad.sobobta oo ah jirkaagu kama helo tamar ku filan cuntada aad cunayso.
  •  Waxaad marar badan qaaddaa caabuq fangas (soppinfeksjon), gaar ahaan aagga xubinta taranka, iyada oo ay sonkorta ku jirta kaadida oo carqaladeysa bakteeriyada dabiiciga ah ee jirka.
  •  Araggaaga ayaa noqda mid aan caddayn (arag daciif ah). Sonkorta dhiigga oo sarreysa waxay saameysaa indhaha, waxayna kuu keeni kartaa arag gaaban oo ku meelgaar ah. Tani way baaba’daa marka sonkorta dhiigga ay caadi noqoto, balse waxay qaadan kartaa waqti dheer haddii sonkorta dhiigga ay muddo dheer sareysay.
  •  Waxaad yeelanaysaa nabarro si gaabis ah u bogsada ama caabuqyo soo noqnoqda. Sonkorta dhiigga oo sarreysa waxay keentaa in nabarradu si fiican u bogsan waayaan, sidoo kalena aad si fudud u qaaddo caabuqyo.

Hubi halistaada aad ugu jirto in aad qaaddo sonkorowga nooca 2.

Sonkorowga nooca 2 waa cudur la iska dhaxlo.
Ma ku jiraa qof qoyskaaga dhow oo qaba sonkorowga nooca 2aad? Haddii ay sidaas tahay, waxaa suuragal ah in aad leedahay khatar sare, taasoo micnaheedu yahay in aad hidde ahaan ugu nugushahay xanuunkan.

Sidee ayuu dhakhtarku u xaqiijiyaa cudurka?
Dhakhtarka ayaa hubiya haddii aad qabto sonkorow adigoo cabbiraya sonkorta dhiigga, badanaa waxa la cabbiraa sonkorta dhiigga muddada dheer (oo sidoo kale loo yaqaan HbA1c).

Sonkorta dhiigga muddada dheer (HbA1c) waxay muujisaa inta sonkor ah ee ku xidhantay unugyada dhiigga cas inta lagu jiro 2–3 bilood ee la soo dhaafay. Iyada oo ku saleysan qiimahan, waxaa la xisaabin karaa celceliska sonkorta dhiiggaaga muddadaas.

Waxaad qabtaa sonkorow haddii sonkorta dhiigga muddada dheer ay ka sarreyso ama la mid tahay 48 mmol/mol (6,5%), laba baaritaan oo dhiig ah oo la qaaday maalmo kala duwan.

Waxaad leedahay khatar sare oo sonkorowga nooca 2 ah (oo sidoo kale loo yaqaan bilowga sonkorowga) haddii sonkorta dhiigga muddada dheer ay u dhaxayso 42–46 mmol/mol (6,0–6,4%). Markaas waa in aad sannad walba iska hubisaa HbA1c-gaaga isla markaana aad qaaddaa tallaabooyin ka hortag ah si looga hortago in uu ku sii kaco sonkorowga nooca 2.

Habab kale oo lagu ogaado sonkorowga:

  • Sonkorta dhiigga adigoo sooman:
    Tani waa sonkorta dhiigga ka dib marka aadan wax cunin 8–12 saacadood. Waxaad qabtaa sonkorow haddii sonkorta dhiigga la cabbiro ay tahay 7 mmol/L ama ka badan.
  • Tijaabada culayska gulukoosta:
    Tijaabadan, marka hore hal mar ayaa lagaa cabbiraa sonkorta dhiigga, ka dibna waxaad cabtaa cabitaan sonkor ah, dabadeedna sonkorta dhiigga ayaa mar kale lagaa cabbiraa laba saacadood ka dib. Haddii sonkorta dhiigga ay tahay 11,1 mmol/L ama ka badan, isla markaana aad leedahay qaar ka mid ah calaamadaha kor ku xusan, markaas waxaa la xaqiijin karaa cudurka sonkorowga adigoon mar labaad la tijaabin.

Badanaa dhakhtarku wuxuu ku bilaabaa hal mudis oo faraha laga qaado, taas oo muujinaysa heerka sonkorta dhiiggaaga waqtigaas. Baaritaanka kaadida ayaa sidoo kale muujin kara haddii sonkor ku jirto kaadida, taas oo ah calaamad muujinaysa sonkor dhiig oo sarreysa. Baaritaankani keligiis laguma xaqiijiyo sonkorowga, balse wuxuu tilmaamayaa suuragalnimada in cudurku jiro.