Fahad Yaasiin Oo Markii Ugu Horeysay ka Hadlay kiiskii Qalbi-dhagax iyo Qaabkii loo Dhiibay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Ha’ayada Sirdoonka iyo Nabad sugida Soomaaliya oo ka hadlay kiiskii Qalbi dhagax iyo qaabkii Itoobiya loogu dhiibay ayaa yidhi.

“Qalbi dhagax markii laso qabtay wadanka wan ka maqnaa, markii kiiskiisa go’aan laga gaadhayna waan maqnaa, saacadi la dhiibayayna war kama hayn.”

“Waxaan Xamar kasoo dagay subaxda Qalbi dhagax loo dhiibay Itoobiya ee diyaarada la saaray, markaan diyaarada kasoo dagay sidaan usoo socday baan Madaxweynihii u imid anoo shan option wada, markaan Madaxweynihii aan ka idhi waxaan rabaa inaan talo kaa siiyo kiiskii Qalbi dhagax, wuxuu igu yidhi ninkaa hawshiisii way dhamaatey.”

“Kiiska Qalbi dhagax waxaa shuraako ku ahaa sedex qolo, shirqool, jilaa iyo doqon, sedexdaa qolaa iskugu yimid, sidaad rabtaan u fasirta.”