Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Oo War cusub Sheegay Wadahadalada Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Iran ay heshay farriimo ka imanaya Washington oo muujinaya in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii wado wadahadallada uu la leeyahay Iran.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New Delhi oo ka dhacay shir-madaxeedka BRICS, Mr Araghchi wuxuu sheegay in wararka sheegaya in Mareykanku diiday jawaabta Iran “ay la xiriireen dhowr maalmood ka hor markii Donald Trump uu bartiisa ku qoray inay ahayd ‘wax aan la aqbali karin,’ balse intaas kadib waxaan mar kale helnay farriimo ka yimid Mareykanka oo sheegaya inay diyaar u yihiin wada hadal iyo is-afgarad.”

Si kastaba ha ahaatee, Mr Araghchi ayaa muujiyay shaki ku saabsan sida ay Mareykanku uga dhab yihiin wadaxaajoodyada, isagoo yiri: “Waxaan shaki ka qabnaa sida ay Mareykanku uga dhab yihiin wadaxaajoodyada; balse marka aan dareenno oo aan hubinno inay dhab ka yihiin oo diyaar u yihiin heshiis caddaalad ah, waxaan dib ugu laaban doonnaa wadaxaajoodyada.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dadaallada dublamaasiyadeed ee hadda socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro iskahorimaadka kala dhexeeya Mareykanka ay la dhibtoonayaan kalsooni darro.

Araghchi ayaa sheegay in farriimaha is-diiddan ee Trump ay su’aalo geliyeen ujeeddooyinka dhabta ah ee Mareykanka ee ku aaddan wadahadallada.

Wuxuu iska fogeeyay in dadaalladii dhex-dhexaadinta ee dowladda Pakistan ay fashilmeen, balse wuxuu geeddi-socodkaas ku tilmaamay mid adag. Mr. Araghchi ayaa mar kale ku celiyay in Marinka Hormuz uu u furan yahay maraakiibta ka socota dhammaan dalalka, marka laga reebo kuwa dagaalka kula jira Iiraan.