Gudoomiye Mohammad Bagher Oo loo Magacaabay Xiriiriyaha Siyaasada Iiraan iyo Shiinaha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mohammad Bagher Ghalibaf oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan isla markaana door weyn ku lahaa wada-hadalladii u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka, ayaa loo magacaabay inuu maamulo xiriirka Iiraan iyo Shiinaha, sida ay baahisay wakaaladda wararka dawladda Shiinaha ee Xinhua.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid ka dib soo jeedin ka timid madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, islamarkaana ay ansixiyeen hoggaanka sare ee Iiraan.

Doorka cusub ee Ghalibaf wuxuu noqon doonaa: Isku dubbaridka xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Iiraan iyo Shiinaha iyo hagidda wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee labada dal.

Magacaabistan waxay imaaneysaa xilli Shiinaha uu noqday saaxiibka ugu weyn ee dhaqaale ee Iiraan, halka Iiraan ay sii xoojinayso xiriirka ay la leedahay quwadaha Bariga sida Shiinaha iyo Ruushka, iyadoo xiriirkeeda reer galbeedka uu sii xumaanayo.