131 Qof Oo u Dhintay Cudurka Halista ah Ee Ebola Oo si Xoogan u Fidiya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Cudurka Halista ah ee Ebola oo u fidiya si dhakhso badan sidii hore, kaas oo dhakhaatiirtu sheegeen inuu illaa hadda dilay dad gaadha 131 Qof, halka uu hadda hayo ama looga shakisan yahay 513 Qof oo kale.

Xanuunkan oo Lagu arkay dalka Dr Congo, ayaa halistiisa waxa ka digay Hay,adda Caafimaadka aduunka ee WHO iyo dhkahtariir badan, kuwaas oo dadka Africa ugu baaqay Inay taxadar badan sameeyaan si loo xakameeyo cudurkan oo hore loo arkay, balse hadda soo laba kacleeyey.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa lix tan oo agab caafimaad ah u diray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, xilli uu sii wadayo qaylo-dhaanta ku aaddan baaxadda dillaaca cudurka Ebola ee bartamaha Afrika.

Agabkan ayaa waxaa ka mid ah qalabka difaaca ee shaqaalaha caafimaadka, iyadoo la kordhinayo baaritaannada, la-socodka, iyo daba-galka dadka la kulmay kuwa cudurka qaba.

Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesu, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda iyadoo kiisas hadda laga soo sheegay meelo magaalooyin waaweyn ah. Ururka ayaa mar dambe yeelan doona kulan degdeg ah si uu u soo jeediyo waxqabadyada caafimaad ee mudnaanta leh.