Itoobiya oo Sheegtay Ineysan ka Tanaasuley Raadinta Marin Badeed

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Ethiopia ayaa markale si cad u muujisay in aysan ka tanaasuleyn qorshaheeda ku aaddan helitaanka marin badeed ay si toos ah ugu gaarto Badda Cas, iyadoo dowladda Addis Ababa ay sheegtay in arrintan ay tahay baahi istaraatiiji ah oo mustaqbalka dalkaasi la xiriirta.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiat Getachew, oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Itoobiya aysan sii ahaan karin “dal ku xiran dekedaha dalal kale” muddo dheer, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto dadaallada lagu doonayo marin badeed “waara oo nabdoon.”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo kuwo militari oo sii kordhaya, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Somalia, Masar iyo Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxay Masar ku eedeysay inay ka shaqeyneyso carqaladeynta qorshaheeda badeed, iyadoo Addis Ababa ay aaminsan tahay in Qaahira ay doonayso inay Itoobiya ku cadaadiso arrimaha gobolka, gaar ahaan khilaafka webiga Nile iyo saameynta istaraatiijiga ah ee Badda Cas.

Masar ayaa dhankeeda xoojisay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay, waxaana soo baxay warar sheegaya in ciidamo iyo taageero militari ay u dirayso Muqdisho, arrintaas oo Itoobiya u aragta dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo si dadban loola xiriirinayo xiisadda labada dal. Inkastoo ujeeddooyinka ciidamadaas ay yihiin iney qeyb ka noqdaan howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika aa AUSSOM, haddana arrintan ayaa sii kordhisay shakiga iyo tartanka awoodaha gobolka.

Itoobiya, oo ah dalka ugu dadka badan Geeska Afrika kana mid ah dhaqaalaha ugu kobaca badan qaaradda, ayaa lumisay marin-badeedkeedii tan iyo markii Eritrea ay ka go’day sanadkii 1993-kii. Tan iyo waqtigaas, Itoobiya waxay si weyn ugu tiirsaneyd dekedaha dalalka deriska ah, gaar ahaan dekedda Jabuuti, halkaas oo inta badan ganacsigeeda uu maro. Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe si xooggan u muujineysay in ku tiirsanaanta hal deked ay khatar ku tahay amniga dhaqaale iyo kan istaraatiijiga ah ee dalkaasi.

Xiisadda ugu weyn ayaa cirka isku shareertay kadib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad badeed la gashay maamulka Somaliland horaantii sanadkii hore. Heshiiskaas ayaa la sheegay inuu Itoobiya siinayay fursad ay ku hesho marin badeed iyo saldhig ciidan oo ku yaalla xeebaha Somaliland, iyadoo beddelkeedana Itoobiya ay muujisay diyaar garow ay ku aqoonsan karto Somaliland.

Tallaabadaas ayaa si adag uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ku tilmaantay heshiiskaasi mid xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Somalia ayaa markaas ku dhawaaqday in heshiiskaasi yahay “waxba kama jiraan,” waxayna Soomaaliya billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo caalami ah oo lagu diidan yahay dhaq-dhaqaaqa Itoobiya.

Dalal badan iyo ururro caalami ah ayaa markaas ku celceliyay taageerada ay u hayaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, inkastoo Itoobiya ay weli ku adkeysaneyso inay xaq u leedahay inay hesho marin-badeed ay ku xaqiijiso danaha dhaqaale iyo kuwa amni ee mustaqbalkeeda.

Khubarada siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in tartanka ku saabsan Badda Cas iyo marin-badeedka Geeska Afrika uu hadda galay marxalad cusub, iyadoo dowladaha gobolka ay isku dayayaan inay xoojiyaan saameyntooda militari, dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Badda Cas ayaa loo arkaa marin caalami ah oo aad muhiim ugu ah ganacsiga dunida, taasoo sababtay in dalalka gobolka iyo quwadaha shisheeye ay dan weyn ka yeeshaan cidda gacanta ku haysa dekedaha iyo marinnada muhiimka ah.