Midowga Yurub ayaa sheegay inay dib u habeyn ku sameysay nidaamka cunaqabateynta si loo bartilmaameedsado shaqsiyaad ay ku eedeysay inay ka caawiyeen Iran “khatar gelinta xorriyadda maraakiibta ee Bariga Dhexe.”
Xayiraadahaan ayaa markii hore loo sameeyay si looga hortago taageerada Iran ee duullaankii ballaarnaa ee Ruushka ku qaaday Ukraine, balse isbeddellada uu sameeyay golaha midiwga Yurub ayaa hadda u oggolaanaya in lagu dabaqo arrimaha la xiriira marinka Hormuz.
Golaha Yurub ayaa ku dhawaaqay: “Midowga Yurub wuxuu hadda awood u yeelan doonaa inuu qaado tallaabooyin xaddidaad dheeraad ah oo looga jawaabayo falalka Iran ee wiiqaya xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz.” Tallaabooyinkaas waxaa ka mid noqon doona mamnuucid safar iyo xannibaad hantiyeed.
Marinka Hormuz ayaa si dhab ah u xirnaa tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iran.
