Dowladda Masar Oo Kaashaneysa Shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka Oo Bilawday

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Masar ayaa, iyadoo kaashaneysa shirkadda tamarta nukliyeerka ee dowladda Ruushka, sii wada horumarinta mashruuca El Dabaa Nuclear Power Plant, kadib markii la rakibay qayb muhiim ah oo ka tirsan reactor-ka labaad.

Warshadda ayaa yeelan doonta afar reactor oo awooddoodu gaareyso 4,800 megawatt, waxaana la filayaa inay soo saarto qiyaastii 10% korontada dalka Masar marka ay si buuxda u shaqeyso.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu galo marxaladda soo saarista korontada nukliyeerka ah sannadka 2028, iyadoo Masar ay hiigsaneyso inay noqoto dalka ugu awoodda badan Afrika ee dhinaca tamarta nukliyeerka.