Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay xeebaha gobolka Nugaal, kuwaa doonaya in ay hareereeyaan koox Soomaali oo haysata Markabka MV Cabdallahi ee laga leeyahay dalka Bangladesh.
Tani waxa ay imanaysaa xilli la filayo in dhawaan kooxda markabka haysata oo iyana dhinacooda hubaysan loo soo daayo lacag madax-furasho ah oo ay ku siidaayaan markabka.