CIA-da Maraykanka Oo Garoonka Diyaaradaha Turkiga ku Qabatay Nin Ciraaq ah Oo Xriir Laleh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa 15 bishan May ku qabatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Turkiga , nin lagu magacaabo Mohammad Baqer Al-Saadi oo u dhashay dalka Ciraaq, xilli uu u socday Ruushka, iyadoo ninkan la sheegay inay tababbareen ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan , waxaa sidoo kale la sheegay inuu xiriir dhow la lahaa taliyihii hore ee ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan , Qasem Soleimani.

Mareykanka wuxuu ninkan ku eedeyay inuu qorsheynayay dilka gabadha uu dhalay Trump ee Ivanka, dilkaa oo ujeeddada uu ka lahaa lagu sheegay inay ahayd aar-gudashada dilkii Qasem Soleimani oo weerar uu amray Trump lagu dilay sanadkii 2020, isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha caasimadda Ciraaq ee Baqdaad.

Waxaa hadda lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada New York, isagoo wajahaya inuu sidoo kale abaabulay weerar lagu qaaday qunsuliyadda Mareykanka ee Toronto,dab la qabadsiiyay Bank of New York Mellon ee Amsterdam bishii Maarso iyo weerar mindi loo adeegsaday oo lagu dhaawacay labo qof oo Yuhuud ah gudaha London bishii April.