Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Mudane Sharif wuxuu la kulmi doonaa Xi Jinping iyo Li Chang, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha, oo shir guddoomin doono shirka maalgashiga labada dal.
Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran ayaa ka mid ah waxyaabaha ay ka wadahadleen Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo madaxda Shiinaha.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa shalay sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkani ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, balse xiisadda bariga dhexe ee hadda taagan ayaa iyaduna walaac ah.
Taher Andrabi ayaa sheegay in xiisadda Bariga Dhexe ee hadda jirta, Shiinaha iyo Pakistan ay si dhow uga wada shaqeeyeen nabadda:
“Waxaan ku heshiinnay shan qodob, waxaana la soo saaray bayaan wadajir ah. Markaa haa, tan waxaa lagaga wadahadli doonaa booqashada Ra’iisul Wasaaraha.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay “Wafti ka socda Qatar ayaa wadahadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda, maanta dalal badan ayaa doonaya inay gacan ka geystaan joojinta dagaalka, laakiin dhexdhexaadiyaha rasmiga ah ee wadahadalka ayaa weli ah Pakistan.”
Asim Munir oo ah taliyaha guud ee ciidamada Pakistan iyo ciidamada qalabka sida oo shalay gaaray magaalada Tehran ayaa la kulmay wasiirada arimaha dibada iyo arimaha gudaha Abbas Araqchi iyo Eskandar Momeni ilaa xalay fiidkii.
Isaga ka hor, wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa ku sugnaa Tehran.
