Heemaal News Network

Xamse Barre Oo ka Hadlay Maalinta 12ka Apriil & Waxa ay ka Dhigan tahay.

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna ay Xukuumadda DanQaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurgelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Astaan Qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda Qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Khawaarijta cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, isla markaana ay Xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo didaacaya Qarankooda.

—-DHAMMAAD—-

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Taliska Milatariga Lughaya Oo Raali-galin ka Bixiyay Ciidamo Hargaysa Laga Soo Daabulay Oo U Hanjabay Shacabka Lugahayaha

Heemaaln

Shacabka Muqdisho Oo ka Hadlay In Dowladda Turkiga Lagu Wareejiyo Badda Somaaliya

Heemaaln

Hindiya Oo Madaxda Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Heemaaln