Maraykanka oo Sheegay aysan ka Ogaalan doonin Iran inay Afduubato Suuqa Tamarta Adduunka

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio oo booqasho afar maalmood ah ku jooga dalka India ayaa la kulmay oo wada hadal la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Narendra Modi.

Rubio waxa uu kulankan ka sheegay in Maraykanku aanu Iran u ogolaan doonin in ay la-hayste ka dhigato ​​suuqa tamarta adduunka.

Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Hindiya iyo Mareykanka ee gobolka Indo-Pacific.

Sida laga soo xigtay safiirka Maraykanka ee Hindiya, Rubio oo ka wakiil ah madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa Modi ku martiqaaday booqasho rasmi ah oo uu ku yimaado Maraykanka.