HNN: Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay sharci ay Israa’iil ansixisay, iyagoo ku tilmaamay mid jebinaya sharciga caalamiga ah isla markaana khatar gelinaya maxaabiista Falastiiniyiinta.
Kooxaha xuquuqda aadanaha iyo hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ayaa si adag u dhaleeceeyay sharci oggolaanaya in ciqaabta dilka lagu fuliyo Falastiiniyiinta lagu helo inay geysteen weerarro dhimasho sababay, iyagoo sheegay in tallaabadan ay tahay mid jebinaysa sharciga caalamiga ah isla markaana si cad u takooraysa.
Sharcigan, oo la ansixiyay Isniintii baarlamaanka Israa’iil (Knesset), wuxuu dhigaya in ciqaabta dilka (daldalid) ay noqoto ciqaabta caadiga ah ee Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto, haddii lagu helo inay dileen Israa’iiliyiin.
Sharcigan waxaa si weyn u taageeray wasiirka amniga qaranka ee garabka midig fog, Itamar Ben-Gvir, kaas oo lagu arkay isagoo dabaaldegaya kadib ansixinta sharciga, oo helay 62 cod halka 48 ay diideen.
“Waxaan sameynay taariikh,” ayuu Ben-Gvir ku qoray baraha bulshada, isagoo diiday baaqyada caalamiga ah ee lagu doonayay in sharciga laga noqdo. “Waxaan leeyahay Midowga Yurub: ma baqeyno, mana u hoggaansami doonno,” ayuu yiri.
Sharcigan wuxuu yimid iyadoo ay kordheen weerarrada militariga Israa’iil iyo kuwa deegaameeyayaasha ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, iyo sidoo kale kumannaan xarig ah, xilli uu socdo dagaalka Gaza.
Ururka Xuquuqda Madaniga ee Israa’iil ayaa sheegay inuu dacwad ka gudbiyay sharcigan Maxkamadda Sare ee Israa’iil.
Falcelinno kala duwan:
Maamulka Falastiin:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin waxay ku tilmaantay sharcigan “kordhin halis ah”, iyadoo sheegtay in Israa’iil aysan wax maamul ah ku lahayn dhulka Falastiin ee la haysto. Waxay intaas ku dartay in sharcigan uu sharciyeynayo dilal ka baxsan nidaamka garsoorka.
Xamaas:
Kooxda Xamaas ayaa ku tilmaantay sharcigan “mid halis ah” oo khatar gelinaya nolosha maxaabiista Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale ku eedeysay Israa’iil inay ixtiraam la’aan u muujisay sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta bani’aadantinimo.
Mustafa Barghouti:
Hoggaamiyahan Falastiini ayaa ka digay halista sharcigan, isagoo sheegay inuu beegsanayo maxaabiista siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqayaasha.
Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Falastiin (Gaza):
Ururkan ayaa si adag u cambaareeyay sharciga, isagoo sheegay inuu sii xoojinayo siyaasadaha dilalka sharci-darrada ah ee Israa’iil, isla markaana jebinaya sharciga xuquuqda aadanaha.
Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay:
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Israa’iil inay si degdeg ah uga noqoto sharcigan, iyadoo sheegtay inuu jebinayo waajibaadka sharciga caalamiga ah. Waxay sidoo kale xustay in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga soo horjeedo ciqaabta dilka xaalad kasta.
Amnesty International:
Ururkan caalamiga ah ayaa ku tilmaamay sharcigan “mid muujinaya naxariis-darro, takoor iyo ixtiraam la’aan xuquuqda aadanaha”, isagoo ugu baaqay Israa’iil inay ka noqoto.
Golaha Yurub:
Xoghayaha guud, Alain Berset, ayaa ku tilmaamay sharcigan “dib-u-dhac weyn”, isagoo sheegay in ciqaabta dilka aysan la jaanqaadi karin heerarka casriga ah ee xuquuqda aadanaha.
Ireland:
Wasiirka arrimaha dibadda Helen McEntee ayaa sheegtay inay si gaar ah uga welwelsan tahay takooridda sharcigan, iyadoo xustay in xaqa noloshu yahay xuquuq aasaasi ah.
Talyaaniga:
Wasiirka arrimaha dibadda Antonio Tajani ayaa sheegay in dalal badan oo Yurub ah ay Israa’iil ka codsadeen inay sharcigan ka noqoto, isagoo carrabka ku adkeeyay in noloshu tahay qiime aan la taaban karin, isla markaana ciqaabta dilka ay tahay mid ka hor imanaysa karaamada aadanaha.
Heemaal News Network.