Wasiirka Warfaafinta Somaliya oo kulan Miro-dhal ah la Qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Muqdisho, 25 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Danjiraha dalkaas u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga labada dal ee ku aaddan ilaalinta iyo xoojinta danaha wadaagga ah.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka, isaga oo bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, oo ay ku jiraan warfaafinta.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo lana sii ambaqaado kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, si loo xoojiyo danaha wadaagga ah iyo iskaashi istiraatiiji ah oo waara.