Heemaal News Network

Wasiir Axmed Fiqi Oo Xilka la Wareegay Codsina u Diray dadka Somaliyeed.(Sawirro)

Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaana maanta ku wareejiyay xilka wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Fiqi, waxa uuna halkaasi ka jeediyay kalmad uu wasiirka kusoo dhaweenayo.

Axmed Macalin Fiqi wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo munaasabada xil-wareejinta hadal ka jeediyay ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha oo xilka cusub u igmaday.

Wasiirka ayaana sheegay in uu ku rejo weyn yahay in halkeeda kasii wado dedaaladii socday, uuna filayo in wax badan qaban doonaan isaga iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ugu dambeyn wasiir Axmed Fiqi ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaanba in ay ku garabsiiyaan gudashada hawshaas qaran iyo difaaca danaha dalkeena iyo wadajirkiisa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Qarankeena Ma’ahan Iib Waana Difaacaynaa..”Madaxwayneha Awdal State Oo Gaaray Muqdisho

Heemaaln

Ruushka Oo Markabkii Labaad Ee Gargaar sida soo Gaarsiiyey Somalia.(Sawirro)

Heemaal

“Madaxweyne Xeerkan Haku Ceeboobin” Golaha Guurtida

Heemaaln