Iiraan Oo Sheegtay in Horumar Laga Sameeyay Wadahadallada Maraykanka, Balse Heshiis Uusan Weli dhaweyn…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa sheegtay in horumar laga sameeyay wadahadallada ay la leedahay Maraykanka, balse heshiis “uusan weli dhaweyn.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baqai, ayaa hadalkan sheegay kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, uu sheegay in heshiis suuragal ah la gaari karo Isniinta.

“Waa sax in la yiraahdo waxaan gunaanad ka gaarnay qayb weyn oo ka mid ah arrimihii laga wada hadlayay,” ayuu Baqai ka yidhhi Tehran Isniintii. “Laakiin in taas laga dhigo in heshiis saxiixiisu dhow yahay cidna ma sameyn karto sheegashadaas.”

Wararka ayaa sheegaya in heshiiska hordhaca ah uu ku jiro kordhin xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u furista marin-biyoodka Hormuz, iyo qorshe wadahadallo dheeraad ah looga yeesho barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Dhammaadkii toddobaadka, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis, inkastoo uu markii dambe sheegay inuu faray garwadayaashu “inaysan ku degdegin” heshiiska.

Isniintii, Rubio ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya: “Waxaan moodaynay in laga yaabo inaan xalay helno war cusub. Waxaa laga yaabaa maanta.”

CBS News oo bahwadaag la’ah BBC-da ee Maraykanka ayaa werisay in sirdoonka Maraykanku aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei oo ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil qaaday maalintii ugu horreysay ee dagaalka, kaasoo lagu dilay aabbihii iyo hoggaamiyihii ka horreeyay uu ku dhuumanayo meel aan la shaacin, taasoo adkaynaysa xiriirka lala sameeyo ergadiisa, isla markaana dib u dhigaysa xawaaraha wadahadallada uu Maraykanka la leeyahay.