Waxaa maanta aas-wadareed loogu sameeyay deegaan hoos yimaada Buruc ee gobolka Bari hooyo xaamilo ahayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo ku dhintay duqayn ka dhacday buuralayda Xaysimo ee degmada Qandala dhowr habeen ka hor.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay in duqayntu ay haleeshay qoys reer miyi ah oo ku sugnaa deegaanka, iyadoo hooyada iyo laba carruurteeda ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka aabbaha qoyska uu dhaawac soo gaaray.
Lama oga cidda ka dambeysay duqayntan lala beegsaday dadka rayidka ah. Sidoo kale, maamulka Puntland iyo saaxiibada caalamiga ah weli kama hadlin dhacdadan.
Dhacdooyin tan la mid ah ayaa sanadkii hore ka dhacay Calmiskaad, halkaas oo dad reer miyi ah ay ugu geeriyoodeen duqaymo ay fuliyeen diyaarado laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Puntland ayaa horey walaac weyn uga muujisay badqabka dadka deggan meelaha ay ka agdhow yihiin kooxda Daacish, iyadoo sheegtay inay khasaare kasoo gaari karaan duqaymaha cirka ah ee lagu bartilmaameedsanayo kooxdaasi.
