Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena weli waa la la’yahay kadib qarax weyn oo kiimiko ah oo ka dhacay warshad sameysa waraaqaha oo ku taalla gobolka Washington, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Qaraxan ayaa dhacay 7:15 subaxnimo waqtiga maxaliga ah gudaha xarunta Nippon Dynawave Packaging ee magaalada Longview, oo qiyaastii 210 km koonfur ka xigta Seattle.
Sagaal qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, oo ay ku jiraan siddeed shaqaale iyo hal dab-demiye, sida ay sheegtay Waaxda Dab-damiska Longview, iyadoo intaas ku dartay in taangiga qarxay uu weli yahay mid aan degganeyn.
Shirkaddu waxay bayaan ku sheegtay in qaraxu uu ka dhashay “dillaac ku yimid taangi ay ku jirtay maaddada ” White liquor oo ah kiimiko aad u daxal badan oo loo isticmaalo habka samaynta waraaqaha.
Waaxda dab-damiska ayaa warbixin fiidnimo ah ku sheegtay: “Hawlaha samatabbixinta ayaa weli adag sababtoo ah weli waxaa jira walaacyo amni oo ka jira goobta.”
