Ciidamada Muqtada al-Sadr oo ku Biiraya kuwa Dowladda Ciraaq

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha diimeed ee Ciraaq, Moqtada al-Sadr, ayaa ku dhawaaqay in garabka militariga ee dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee Shiicada lagu biirin doono ciidamada ammaanka dowladda Ciraaq.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo cadaadis sii kordhaya uga imanayo Maraykanka dowladda Baghdad si loo yareeyo saameynta kooxaha hubeysan ee Iran taageerto.