Dawlada Turkigu ayaa waxa ay indhaha ku haysaa keydka Uranium-ka Soomaaliya, kaasoo lagu qiyaaso inuu ka badan yahay 10,200 tan, xilli uu sii xoogeysanayo tartanka loogu jiro macdanta muhiimka ah ee qaaradda Afrika, sida ay qortey Business Insider Africa.
Soomaaliya waxay leedahay keyd macdan qiimo badan leh, kuwaasoo ay kamid yihiin Uranium, lithium, titanium, dahab iyo naxaas. Sidoo kale Soomaaliya waxay hodan ku tahay macdanta dhifka ah ee loo yaqaan “rare earth elements.”
Turkigu wuxuu doonayaa inuu Soomaaliya ka caawiyo baadhista, qodista iyo soo saarista macdantaas, iyadoo labada dal ay hadda dib u soo nooleynayaan heshiis la xidhiidhay macdanta oo ay galeen sanadkii 2016, heshiiskaasi wuxuu ku saabsanaa sahaminta macdanta iyo sameynta khariidad muujinaysa goobaha ay ku jirto macdanta Soomaaliya.
