Wasiir Fiqi:-“Fidnadu Waa Huradaa, waxaana ku Guban doona Cidda soo kicisa.”

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi”Fidnadu Waa huradaa, waxaana ku guban doona cidda soo kicisa.

Amniga caasimadda iyo kan dalkuba gorgortan ma geli karo, mana girt cid looga hibaysanayo.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in aysan ku daba lumin kuwa fidnadu guryahoodii ka soo kicisay ee bulshada la dhex yimid.

Qabqablanimo qarniga 21aad ah iyo soo celinta dhaqankii maleeshiyaadka sanadkan 2026 Waa wax waqtigoodii dhammaaday.

Kooxda RSF-ta Soomaaliya marnaba lagama yaabo in mashruuciinu uu ka hirgalo Soomaaliya.”