Warar dhiillo leh ayaa laga soo sheegayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan qaabka loo wajahayo doorashada maamulkaasi.
Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu go’aan ku gaaray in musharraxa ay dowladda Federaalka taageereyso uu noqdo Liibaan Axmed Xasan, si loogu diyaariyo xilka Madaxweynaha Galmudug.
Go’aankan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Galmudug, iyadoo dhinacyo badan ay walaac ka muujinayaan faragelin lagu sameeyo hannaanka doorashada maamulkaasi.
Dhanka kale, Madaxweynaha hadda talada haya ee Galmudug, Ahmed Abdi Karie, ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, taas oo muujinaysa cabsi laga qabo in xaaladdu isu beddesho mid amni.
Ciidamo xooggan oo kuwa milatariga ah ayaa gaaray Dhuusamareeb waxaa sidoo kale la filayaa in ay gaaraan ciidamo cusub oo kale oo ka bixi ilaa Muqdisho sida ay sheegeen saraakiil si dhaw ula socota warkaan.
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay magaalada iyo dhaq-dhaqaaqyada socda ay sare u qaadeen feejignaanta amni, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in khilaafka siyaasadeed uu yeesho weji cusub.
Si kastaba, weli ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Galmudug oo ku saabsan wararka la xiriira musharraxiinta iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemayo deegaannada maamulkaasi.
