Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Japan ka soo baxa ee Nikkei Asia, wuxuu ku xaqiijiyay dalalka uu dhawaan Trump u soo bandhigay ku biirista heshiiska Abraham, si ay xiriir diblomaasiyadeed ula yeeshaan Israa’iil inay hadda billaabeen dood arrintaa la xiriirta, isagoo dooda arintaasi shuruud uga dhigay in marka hore Israa’iil ay oggolaato dhismaha dawladda Falastiin.
Hakan Fidan ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dadaalo lagu dhisayo isbahaysi difaac oo ay yeeshaan Pakistan, Turkiga, Sacuudiga, Masar, dalal ku yaal Khaliijka iyo xataa Iiraan, tallaabadan wuxuu ku sheegay inay u qaadayaan , sabab la xiriirta Israa’iil inay dabeecad u leedahay inay mar walba yeelato cadow si ay ugu cudurdaarto isku ballaarinteeda dhulalka ay ka qabsanayo dalalka deriska ah.
Wuxuu intaa ku daray; “Waa in aan sameynaa isbahaysi si loo xaqiijiyo amniga dhulkeenna.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa si cad u sheegay in haddii Israa’iil ay oggolaato dhismaha dawladda Falastiin oo ku saleysan xuduudihii 1967, markaa dalalka oo dhan inay diyaar u yihiin inay ku biiraan Abraham, isla markaana ay ku casuumi doonaan isbahaysiga difaac ee ay dhisayaan
