FBI-da Mareykanka Oo Bilaabay Baaritaan Lagu Ogaanayo Hantida Kenya ay ku Leeyihiin Shaqsiyaadka Somalida

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa billaabaysa baaritaanno lagu oggaanayo hantida ma-guurtada ah ee Kenya ay ku leeyihiin shaqsiyaadka Soomaalida ah ee lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin lacagaha maqan ee barnaamijyada taageerrada dadweynaha Mareykanka oo lagu soo eedeyay Soomaali ku sugan gobolka Minnesota.

Goobaha baaritaannada u horreeya ay ka dhacayaan, waxaa ka mid ah guryo lacag badan ku fadhiya oo ku yaal degmada Kileleshwa ee magaalada Nairobi, oo ka mid ah goobaha ay maalgashiga guryaha ka wadaan ganacsato Soomaali ah, iyadoo guryahaa qaar lala xiriirinayo mid ka mid ah shaqsiyaadka loo xiray inuu lunsaday dhaqaalaha qaybta ka ahaa barnaamijyada taageerrada dadweynaha Mareykanka, iyadoo hadda loo arko baaritaannada ka dhacaya Nairobi iyo meelaha kale ee ay maalgashiga ka wadaan Soomaalida inuu saameyn ku yeelan karo shirkadaha iyo ganacsatada Soomaalida.