Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay Israa’iil ka waddo Lebanon iyo ballaarinta duullaanka dhulka ee koonfurta dalkaas, iyadoo ku tilmaantay xaalad khatar ah oo sii hurinaysa colaadda isla markaana jebinaysa sharciga caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa bayaan ay ku daabacday baraha bulshada ku sheegtay in weerarrada lagu bartilmaameedsanayo shacabka iyo ku xadgudubka madaxbannaanida Lubnaan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga bani’aadantinimada caalamiga ah.
Qatar waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay cadaadis saaraan Israa’iil si loo joojiyo weerarrada, loona hubiyo in la dhowro heshiisyada iyo waajibaadka sharciga caalamiga ah.
Sidoo kale, Doha ayaa ku baaqday in lala xisaabtamo mas’uuliyiinta Israa’iil, iyadoo dalbatay in la soo afjaro weerarrada soo noqnoqda ee ka dhanka ah Lubnaan.
Dhinaca kale War saxaafadeed ay soo saartey Wasaarada Arrimaha Dibada ee Masar ayaa lagu sheegay in ISRL ay sii kordhisey weerarada milatari ee ay ku hayso dalka Lubnaan.
Masar waxay sheegtay in weeraradaa ay u aragto gardaro qaawan iyo in ISRL ay si cad ugu xadgudbeyso madax banaanida Dalka walaalaha ah ee Lubnaan.
