Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta si rasmi ah loo bilaabay tababarka qaybtii ugu horreysay ee ciidan deegaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 500 askari. kuwaasoo ka madax banaan Maamulka Puntland Ciidamadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo ay iska abaabuleen bulshada deegaanka, iyadoo dhaqaalaha lagu bixinayo mushaharkooda, raashinkooda iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin ay si toos ah uga imaanayaan bulshada iyo odayaasha deegaanka.
Sida ay tilmaamayaan xogaha hordhaca ah, ciidamada cusub waxaa loo abaabulay inay door muuqda ka qaataan sugidda amniga, gaar ahaan xeebaha gobolka Nugaal oo muddooyinkii dambe laga soo sheegayay dhaqdhaqaaqyo la xiriira burcad-badeednimo iyo falal amni darro oo saameyn ku yeeshay gaadiidka badda iyo kalluumeysiga deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa aaminsan in loo baahan yahay awood dheeraad ah oo lagu xakameeyo khataraha amni ee kusoo badanaya xeebaha, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxo burcad-badeed ah ay mar kale isku dayayaan inay dib isu abaabulaan. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay bulshada ku nool deegaannada xeebaha iyo ganacsatada ku tiirsan dhaqaalaha badda.
Marka laga soo tago sugidda xeebaha, ciidamada cusub ayaa sidoo kale loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan arrimaha deegaanka, xalinta khilaafaadka yaryar ee bulshada dhexdeeda ka dhasha iyo ka qeyb qaadashada ilaalinta nabadda guud ee gobolka. Taageerayaasha mashruucan ayaa ku doodaya in ciidamadan ay gacan ka geysan karaan xoojinta amniga gudaha iyo ilaalinta danaha bulshada.
Dhanka kale, tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro muran siyaasadeed iyo dood ku saabsan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Puntland. Warar kala duwan ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah bulshada iyo beelaha dega Puntland ay sare u qaadeen abaabullo amni oo ay ku doonayaan inay ku ilaashadaan deegaannadooda, iyadoo arrintan lagu macneeyay inay ka dhalatay kalsooni-darro ka jirta dhinacyada siyaasadda iyo maamulka.
Madaxweynaha Puntland, Saciid Abdullahi Deni, ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo ka imaanaya dhinacyo kala duwan, gaar ahaan tan iyo markii ay soo baxeen khilaafaadyo la xiriira doorashooyinka, awood-qaybsiga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee maamulka. Mucaaradka iyo qaar ka mid ah waxgaradka Puntland ayaa marar kala duwan muujiyay walaac ku saabsan jihada siyaasadeed ee maamulka, halka dowladda Puntland ay ku adkeysanayso inay ka shaqaynayso xasilloonida iyo horumarka deegaannada ay maamusho.
Magaalada Bosaso ayaa ka mid ah goobaha sida weyn looga dareemayo loollanka siyaasadeed, iyadoo magaaladaasi ay tahay xarunta ganacsiga ugu weyn Puntland isla markaana leh saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ballaaran. Wararka ka imanaya magaalada ayaa tilmaamaya in kulamo siyaasadeed iyo abaabulo kala duwan ay halkaasi ka socdaan, kuwaas oo la xiriira xaaladda guud ee Puntland.
Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in samaysanka ciidamada deegaanka uu muujinayo isbeddel ka socda qaabkii hore ee amniga Puntland, halka qaar kalena ay ka digayaan in kororka ciidamada ku dhisan deegaannada ama beelaha uu mustaqbalka abuuri karo caqabado cusub haddii aan lagu darin qorshe mideysan oo amni.
