Afrika oo taageero weydiisatay Kuuriyada Koonfureed: Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung ayaa la shiray Wasiirrada Arrimaha-dibedda Afrika, iyaga oo ka wada-hadlay iskaashi & taageero kala duwan oo ay jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ku taageeto Afrika, gaar ahaanna dhinacyada tiknoolajiyadda & maalgashiga.
Qaaradda Afrika oo isku dhan ayaa marwaliba la shirta hal dal oo Yurub & Aasiya ah — waxa hore u dhacay shirar dhexmaray; Afrika-Shiinaha, Turkey-Afrika, Japan-Afrika, Ruushka-Afrika, Faranca-Afrika, Sucuudi-Afrika, Hindiya-Afrika & qaar kale, haatanna waa S.Kuuriya-Afrika.
