Bulshada magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay ka qaxaan guryahoodii kaddib dagaallo culus oo dhex maray ciidamada dowladda iyo Ciidanka mucaaradka ee ka soo horjeeda sii joogista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku doodaya inuu muddo kororsi sameeyey aan sharci ahayn.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo soo gaadhay dad rayid ah kuwaas oo la sheegay inay ku waxyeelloobeen iska horimaadyada iyo hawlgallada ay wadeen ciidamada ka amar qaata Xasan sheikh.
Dadka ku nool Muqdisho ayaa walaac weyn ka muujinaya in xaaladdu sii xumaato iyadoo laga cabsi qabo in dagaalladu sii xoogaystaan gaar ahaan iyadoo maalinta berri ah la filayo bannaanbax uu mucaaradku iclaamiyey.

Screenshot

Screenshot

Screenshot
