Ugu yaraan 6 qof oo Soomaali ah ayaa la aaminsanyahay inay ka mid ahaayeen 21 qof oo maanta ku geeriyootay hoteelka Flourish Stay B&B, oo ku yaalla xaafadda ciriiriga ah ee Hauz Rani ee koonfurta caasimadda Hindiya ee Delhi. Waxaana dadkan la sheegay inay howlo caafimaad u joogeen Hindiya.
Booliiska Delhi ayaa waxyar ka hor shaaciyay in lasoo qabtay milkiilaha hoteelka uu dabka qabsaday oo magaciisa lagu sheegay Lavkesh Bajaj, kaasoo la sheegay inuu isku dayay inuu baxsado.
Dabkan waxaa sidoo kale laga soo badbaadiyay 58 qof oo inta badan isbitaallada loo dhigay dhaawacyo soo gaaray.
Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujiyay hoteelkan inuusan lahayn wax nidaam dab damis ah, sidoo kalena goobta cariiriga ah ee uu ku yaal ay ka dhalatay si dhaqso ah inaysan kooxaha dab damiska u gaarin.
Bulshada Soomaaliyeed ee caafimaadka u tagaya Hindiya , waxaa mudnaan leh inay hubiyaan goobaha ay deggayaan oo ay ka fogaadaan xaafadaha cariiriga ah iyo kuwa isku raranka ah ee aan lahayd adeegyo bulsho.


