Madaxweynaha Slovenia Oo Qasriga Madaxtooyada ka Taagtay Calanka Falastiin.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Slovenia ayaa qasriga Madaxtooyada ka taagtay calanka F-lastiin, waxayna sheegtay in halkaa uu hal todobaad ka taagnaan doono kadibna gudaha qasriga laga taagi doono.

Madaxweynaha Slovenia ayaa tidhi “Xasuuqa ka dhanka ah F-lastiiniyiinta weli ma uusan joogsan, dadka ku sugan marinka Q/–sa iyo daanta galbeed kuma noola nabad iyo sharaf.”

Dowlada Slovenia ayaa 4-ta bishii June, 2024 aqoonsatey dowlada F-lastiin, iyadoo kamid noqotey dalalka reer Yurub ee xiligaas qaaday talaabada ay ku aqoonsanayaan dowlada F-lastiin.