Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in Tehran ay gantaallo ku riday Turkiye, isagoo ku tilmaamay eedeymahaas kuwo gebi ahaanba aan sal lahayn.
Araghchi ayaa hadalkan ku sheegay wadahadal telefoon oo uu la yeeshay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan, isagoo uga digay waxa uu ku tilmaamay howlgallo marin-habaabin ah oo ay wadaan cadowga. Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay diyaar u tahay “iskaashi farsamo oo wadajir ah si loo baaro eedeyn kasta oo suuragal ah”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan.
Dhanka kale, Isniintii, wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada NATO ay qabteen gantaal cusub oo laga soo tuuray Iiraan, kaas oo noqonaya kii afraad tan iyo markii uu billowday dagaalka Bariga Dhexe.
Dhinaca kale Wasiirka Difaaca ee Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay warbixin uu soo jeediyay, isaga oo tilmaamay in dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz uu kordhay, arrintaas oo uu ku sababeeyay siyaasadaha uu hirgeliyay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Hegseth ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in beesha caalamka looga baahan yahay inay qaado masuuliyad dheeraad ah oo ku aaddan sugidda amniga caalamiga ah, isaga oo si gaar ah su’aal uga keenay doorka Royal Navy ee xaaladda taagan.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Maraykanku uu si dhow ula tacaalayo tallaabooyinka ay waddamada Russia iyo China ku taageerayaan Iran, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan.