Iiraan ayaa waxyar ka hor qaaday weerar gantaallo ah oo ka dhan ah Israa’iil, halka ay sidoo kale bannaanbaxyo ka socdaan gudaha Iiraan oo ay dhigayaan dad Iiraaniyiin ah oo soo dhaweynaya weerarka ay Iiraan ku qaaday gudaha Israa’iil, kuwaas oo arkayay gantaallada ku wajahan Israa’iil.
Waqooyiga ISRL waxaa is qabsatey digniinta dadka loogu sheegayo iney kusoo wajahan yihiin gantaalo ballistic, Iiraan ayaa weerar ku qaaday ISRL. Sida ay sheegtay Al Jazeera, waxaa laga maqlay qaraxyo ka dhacay gudaha Israa’iil.
Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale weerarka xaqiijiyay oo sheegay gantaallada Iiraan inay soo gaareen hawada Israa’iil.
Wasiirka xagjirka ah ee Ammniga ISRL “Caawa Caasimada Iiraan ee Tehraan waa iney gubataa.”
Trump, oo hada hadlaya ayaa yidhi: ” Waxaan !Ran u soo jeedin lahaa; Waad rideen gantaalo. Intaas ku filan joojiya, oo Miiska wadda hadalka kaalaya.”Fox News ayuu la hadlay.
