Israel Oo ka Cadhootay Hadal Uu Jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxay ka dhex aloosantay Turkiga iyo ISRL, dhawaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Mustafa Ciftci ayaa sheegay in muslimiintu ay maalin uun goob joog ka noqon doonaan xoreynta magalada barakeysan ee Qudus.

Hadalkaasi wuxuu ka cadhaysiiyay ISRL, waxaa usoo jawaabay Wasiirka Difaaca ISRL, isaga oo leh.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ee ku riyoonaya inuu maamulo Qudus waxaan leeyahay, Qudus maaha Constantinople (Istanbushii hore.) ISRL na maaha Boqortooyadii salibiyiinta ee burburtay.”

“ISRL waa dowlad xoog badan oo go’aan adag leh, waxayna marar badan cadaysay iney awood u leedahay iney iska difaacdo nooc kasta oo hanjabaad ah.”

“Qudus waxay 3000 oo sano ahayd caasimadii shacabka YH-da, waligeedna way sii ahaan doontaa caasimada ISRL, Addiga iyo Erdogan waxaad ku haminaysaan Boqortooyadii Cusmaaniyiinta laakin way burburtay waligeedna masoo laaban doonto.”