Dowladda Turkiga ayaa u magacowday danjire Ferhat Alkan inuu noqdo safiirka cusub ee dalkaas u fadhiya Soomaaliya, iyadoo magacaabistan ay qeyb ka tahay isbeddel diblomaasiyadeed oo cusub oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Ferhat Alkan ayaa beddelaya safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, oo loo wareejiyay xilka safiirka Turkiga ee Waqooyiga Macedonia.
Alkan waa diblomaasi khibrad dheer leh oo ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga sanadkii 2001. Intii uu ku jiray shaqada diblomaasiyadda, wuxuu kasoo shaqeeyay safaaradaha Turkiga ee Kabul iyo Washington, sidoo kale wuxuu soo noqday Qunsulka Guud ee Turkiga ee Houston iyo la-taliye sare oo ka tirsan safaaradda Turkiga ee Beijing.
Kahor magacaabistiisa Soomaaliya, Ferhat Alkan wuxuu tan iyo Febraayo 2025 ahaa safiirka Turkiga ee Mozambique.
Danjire Alkan wuxuu shahaadada xiriirka caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Middle East Technical University, halka shahaadada mastarka uu ka qaatay Jaamacadda Nottingham ee Boqortooyada Ingiriiska.
Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Turkiga uu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiyadeed iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
