Ganacsade Muqdisho ku Gudoonsiiyay Garsoore Cumar Cartan $50,000.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdqaadir Cartan ayaa si diirran oo geesinimo leh loogu soo dhaweeyay Soomaaliya, iyadoo taageero xooggan ay uga timid shacabka iyo mas’uuliyiinta dalka.

Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa Khamiistii ku wareejiyay Cumar Cartan deeq lacageed oo dhan $50,000, si looga caawiyo qarashaadka safarka iyo baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay dib ugu soo laabashadiisa Soomaaliya.

Taageeradaas ayaa kusoo beegantay xilli kumannaan qof ay isugu soo baxeen magaalada Muqdisho si ay u soo dhaweeyaan garsooraha caalamiga ah, kaas oo si weyn loogu ammaanay sumcadda iyo magaca uu Soomaaliya uga dhex sameeyay fagaarayaasha kubadda cagta ee caalamka.

Cumar Cartan ayaa dalka dib ugu soo laabtay isagoo helay soo dhoweyn ballaaran oo ay dad badan ku tilmaameen mid loo sameeyo geesi qaran, waxaana taageero iyo garab istaag u muujiyay siyaasiyiin, masuuliyiin dowladeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Garsooraha Soomaaliyeed ayaa noqday astaan qaran oo ay dad badan ku tilmaameen inuu sharaf u soo hooyay Soomaaliya, iyadoo taageerada loo muujinayo ay sii kordheyso maalmihii u dambeeyay.