Taliyaha Ciidanka badda iyo Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hure Haariye ayaa ka qaybgalay shirka afraad ee sanadlaha oo ay isugu yimaadaan hogaanka saraakiisa Ciidamada badda iyo xeebaha 75 wadan oo qayb ka ah mashruuca EUCRIMARIO streeting committee kaasi oo ka qabsoomay dalka Kenya gaar ahaana Magaalo xeebada Mombasa .
Taliyaha socdaalkiisa waxaa ku wehelinayey dhame Cabdirisaaq Baashe Xuseen oo kamid ah saraakiisha Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha JSL.
Ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu gorfeeyo isbedelka amaanka badaha iyo horumarka laga sameeyey iyo xalinta ciladaha iyo wixii dhib taagan ee ubaahan xal deg deg ah
Baddaha iyo xeebaha Somaliland ayaa shirkaasi lagu tilmaamay kuwa ugu amaanka badan badaha geeska afrika iyo wadaagista xogaha badaha ee heer Gobol iyo mid caalamba
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa halkaasi kusoo badhigay dadaalada xukuumada Somaliland ee ku aadan amaanka badaha iyo sida ay ciidan ahaan ugu qayb qaatan amaanka badda cas iyo guud ahaanba xeebaha iyo badaha Somaliland oo dhan 850km iyo doorka ay ka ciyaaraan wadaagista xogaha dhaqdhaaqa baddaha.





