Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov oo ku sugan caasimadda Filibiin ee Manila oo uu uga qaybgalay shir madaxeedka dalalka koonfur Aasiya , ayaa wariye ay waydiisay;
Ruushku ma ka caawiyaa Iiraan, inay beegsato goobaha ay ku suganyihiin ciidanka Mareykanka ee Bariga Dhexe?
Lavrov, wuxuu leexiyay su’aasha ay gabadhu waydiisay isagoo ku jawaabay; “Timahaagu waa qurux badan yihiin.”
Shalay, waxaa Manila sidoo kale uu kulan ku dhex maray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio iyo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, markii uu kulankan soo dhammaaday
waxaa hareeyay warar cusub oo sheegaya in Ruushku laga yaabo inuu door ka weyn kii uu si rasmi ah u qirtay ku leeyahay weerarrada ay Iiraan ku qaaday saldhigyada iyo goobaha ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Wararka sheegaya in Iiraan ay beegsatay goobo ay leedahay Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa markii ugu horreysay soo baxay maalmaihii hore ee dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, sida ay werisay Al Jazeera.
Saddex maalmood ka dib markii dagaalku billowday, wargeyska The Washington Post ayaa dhankiisa vaahiyay isagoo xiganaya laba qof oo xogta la socotay in saldhig ay CIA ku leedahay gudaha safaaradda Mareykanka ee Riyaad la beegsaday.
6-dii Maarso, CNN ayaa iyaduna ka soo xigatay ilo sirdoon oo Mareykan ah oo sheegay in Ruushku uu Iiraan ka caawinayay sidii ay u ogaan lahayd goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo diyaaradaha Mareykanka ee dalalka Khaliijka.
Wararkii ugu dambeeyayna, wakaaladda Reuters ayaa toddobaadkan qortay in weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay ku qaaday xarumaha CIA, gaar ahaan safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga, ay ku qasbeen sirdoonka Mareykanka inuu baaro suurtagalnimada in Ruushku ku lug lahaa qorshaynta ama taageeridda weerarradaas, maadaama saxnaanta iyo waxtarka weerarradu ay dhalinayaan tuhun ku saabsan kaalmo dibadeed.
