Malaayiin qof oo dunida ku kala nool ayaa saacadihii u dambeeyey la kulmay hakad ku yimid adeegyada Facebook iyo Messenger, kadib markii labada barnaamij si lama filaan ah uga baxeen hawada muddo ku dhiw saacad.
Isticmaaleyaal badan ayaa sheegay inay awoodi waayeen inay galaan akoonnadooda, diraan ama helaan fariimo, iyadoo cabashooyin fara badan laga diiwaangeliyey dalal kala duwan. Ciladdan ayaa si weyn u saameysay dadka adeegyadaasi u adeegsada isgaadhsiinta maalinlaha ah, ganacsiga iyo shaqooyinka internet-ka.
Shirkadda Meta ayaa xaqiijisay inay ka warqabto ciladda ku timid Facebook iyo Messenger, balse ilaa hadda ma shaacin sababta rasmiga ah ee keentay hakadka. Kooxaha farsamada ee shirkadda ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin dib u soo celinta adeegyada iyo baaritaanka cilladda.
Haddii lagaa saaray account-ka ama uu ku yiraahdo “error”, ha degdegin inaad password beddesho ama aad wax kale ka beddesho, waxay u badan tahay cilad server-ka ah ee aan ahayn account-kaaga
