War-Murtiyeedkii ay wadajirka u soo saareen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Netanyahu ayaa inta uu ku jiray shir jaraa’id oo wadajir uu ula qabtay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay sida ay Somaliland u raadinayso aqoonsi caalami ah, islamarkaana ay Israa’iil-na raadinayso inay u hesho aqoonsi inay caasimadda Israa’iil tahay magaalada Qudus.

Wuxuu intaa ku daray; “Sidii aad uga filaysaan dalalka inay aqoonsadaan madaxbannaanidiinna iyo xuquuqdiinna qaran, annaguna sidaas oo kale ayaan u aragnaa xuquuqdayada ku aaddan caasimaddayada Qudus (Jerusalem) ,waxay ahayd caasimadda shacabka Yuhuudda tan iyo xilligii Daa’uud, ku dhowaad 3,000 sanno ka hor.

Netenyaahu ayaa ballan-qaad u sameeyey Cirro: “Cadawga naga ag dhow, waxay dhisaan godad dhulka hoostiisa ah, gantaallo iyo ciidammo argagixiso ah; annaguna waxaan dhisi doonnaa wax ka sii xoog badan…”