Wednesday, June 17, 2026

“Somaliland Waxay Yeelan Doonta Arrimo Waweyn Oo Dhinaca Difaaca ah” Wasiirka Difaaca Israel Oo la KKulmay M/Ciro.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Difaaca ee Israel Mr Israel Katz oo la kulmay madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland iyo Israel muddo dheer lahaayeen xidhiidh hoose oo qarsoodi ahaa kaas oo daarrana dhinaca ammaanka iyo nabad galyada gobolka.

Wasiirka ayaa intaa raaciyey in ay hadda Somaliland yeelan doonaan arrimo aad u waaweyn oo dhinaca difaac ah kuwaas oo aan la mid ahayn arrimihii hore ee qarsoodiga ahaa.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Isra1l ay Somaliland u tabobari doonto Ciidamada Milateriga iyo Booliska.

Israel iyo Somaliland oo wada galay heshiis difaac ayaa la filayaa in ay kor u qaadaan arrimaha iskaashiga amniga iyo difaaca sida ay tibaaxayaan xogaha laga helay shirarkii dhex maray madaxda labada dal ugu sarraysa.