Wednesday, June 17, 2026

Jaamacadda Carabta oo Cambaareysay Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Qudus

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa si kulul u cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay magaalada Qudus iyo furitaanka dhisme loogu magac daray “safaarad”.

Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aan wax sharci ah lahayn isla markaana dhaawac ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu tilmaamay inay ka hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Jaamacaddu waxay ugu baaqday masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fiirsadaan siyaasaddan, iyadoo sheegtay in aan mustaqbalka gobolka lagu xirin qorshayaal dibadeed oo aan u adeegayn danaha shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, bayaanka ayaa ku boorriyay dhinacyada Soomaalida inay ku dhaqmaan wada-hadal ku salaysan mas’uuliyad iyo dan qaran, si loo ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa isna dib u xaqiijiyay taageerada ururku u hayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu xusay in Golaha Jaamacadda Carabtu hore uga digay dhaqdhaqaaq kasta oo lala yeesho Somaliland oo uu ku tilmaamay mid halis gelin kara amniga gobolka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambayn sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo mowqifka Carabta, Afrika iyo beesha caalamka si loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.