Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa u sheegay CBS News, bahwadaagta BBC ee Maraykanka in qoraalka heshiiska Maraykanka iyo Iiraan lasii dayn doono Jimcaha ugu dambayn.
Waxa uu sheegay dhexdhexaadiyaasha Qadar iyo Pakistan ay weydiisteen Maraykanka in hakiyo daacabaada qoraalka dhamaystiran ee ilaa muddo kooban.
‘’Dhab ahaantii waxaan isku dayaynaa in aan riixno in Maantaba lasii daayo, maxaa yeelay waxaanu doonaynaa in aan u sheegno shacabka Maraykanka waxa heshiiska ku jira,’’ ayuu yiri Vance.
Waxaa wax laga weydiiyay warbixinada in heshiiska ay ku jirto $300 bilyan oo doolar oo dhaqaale dib u dhiska Iiraan ah, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka ‘’Wax kamid ah waxaas ma helayso Iiraan haddii aysan Iiraan sal ahaan u beddelin sida ay ula dhaqmayso caalamka’’.
