Ruushka Oo Digniin Adag u diray Ukraine Kadib Weerarkii ay Maanta ku Qaaday Mosco

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ka dib weerarkii xooganaa ee Ukraine ay maanta ku qaaday caasimadda Ruushka ee Moscow, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov ayaa waxyar ka hor digniin adag u diray Ukraine, isagoo yiri:“Erayo keliya kuma filna jawaabta waxa ay Ukraine samaysay.”

Wuxuu intaas ku daray:“Ruushku wuxuu qaadi doonaa weerarro culus oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo militari oo Ukraine leedahay.”

Sidoo kale wuxuu sheegay:“Waxaan si toos ah u beegsan doonnaa goobaha saameeya awoodda dagaal ee ciidamada Ukraine.”

Lavrov ayaa ugu dambayn yiri:“Bartilmaameedyadan waxaa hore u go’aamiyay Taliyahayaga Sare (Putin), ciidamadeennuna way fulin doonaan.”